Hawsha degmada ka dib dhacdadii halista ahayd ee ka dhacday dugsiga Risbergska

Talaadadii bisha febraayo 4 teedii dugsiga waxbarashada dadka waaweyn waxaa ka dhacday arrin halis ah oo rabshado wata.

Hadaanu nahay Degmada Orebro dhacdadaan oo kale waxaan u aragnaa inay tahay arrin aad iyo aad halis u ah, taasoo saameyn ku yeelaneysa bulashadeena shaqsi ahaan iyo guud ahaanba. hawsheena hadda waa inaan daryeel u fidino dadka dhigta dugsiga ay dhacdada ka dhacday, shaqaalaha ka shaqeeya iyo dhamaan dadka kale ee deggan degmada Orebro ee dareemaaya welwel iyo walaac.

Taageero iyo wadahaqdal

Taageero lagu bixinaayo telefoonka

Guddiga taageerada massiibooyinka ee degmada waxaa lagala xiriiri karaa telefoon, waana dadka aan awoodin inay goobaha tagaan:

Kooxda qaabilaada 019-21 30 00

Telefoonka w 019-21 36 00

Bogga taageerada masiibooyinka waxaa jira macluumaad dheeri ah oo laga soo xiriiro Taageerada, iyo talo la siinaayo qofka ay dhibaatada soo gaartay ama taageero siinaaya qof kale oo ay saameyn ku yeelada dhacdada.

Aniga ka arday ahaan halkkee ka helaayaa taageero joogta ah?

Aniga ka arday ahaan halkkee ka helaayaa taageero joogta ah?

Isbedelada waxbarashada dadka waaweyn inta lagu jiro teeramka gu’ga 2025

Isbedelada waxbarashada dadka waaweyn inta lagu jiro teeramka gu’ga 2025 (somaliska)

Senast uppdaterad:
Publicerad: